Jubaland iyo Shabab oo Araare ku Dagaalamay

Saddex ka tirsan ciidamada dawladda ayaa ku dhaawacmay qarax maanta ka dhacay meel u dhow degmada Wanlaweyn sida ay sheegayaan warar dhinaca amniga ah. Dhinaca kale, degaanka Araare oo ka tirsan maamulka Jubaland ayaa waxaa shalay ka dhacay iska hor imaad u dhexeeyay ciimadamaha maamulka Jubaland iyo maleeshiyada ururka al-Shabab.

Mukhtaar Cabdi Maxamed oo ka mid ah taliyayaaha ciidmada Jubaland ayaa VOA-da u sheegay in dagaalkaasi ay al-Shabaab kaga dileen Lix nin, laba qorina ay kaga soo furteen. Caasha Ibrhaahim ayaa khadka taleefanka kula xiriirkta Mukhtaar, waxaana ay ugu horreyn weydiisay waxa shababay dagaalkaasi.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Dagaalka Jubaland and Alshabab