Wasiirka arrimaha Dibedda Somalia Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in kulan uu magaalada NY kula qaatay kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibedda Maraykanka ee Africa uu ka codsaday in Maraykanka uu qaado xayiraadda dhinaca socdaalka ee uu saaray Soomaalida Maraykanka imanaysa, sidoo kalena uu Maraykanku u aqoonsado baasaboorka Soomaaliya.
Axmed Cawad ayaa VOA ay ku wareysatay magaalada New York, halkaasi oo uu Somalia uga qeybgalayo shirweynaha golaha guud ee QM.
Cawad waxaa la filayaa inuu galabta ka jeediyo QM khudbadda Somalia.
Weriyaheena Cabdixakiim Shirwac oo New York ku sugan ayaa Cawad ka waraystay waxay ku saabsan tahay khudbadda Somalia ee maanta, iyo waliba mas’uuliyiinta ay isku arkeen magaalada New York.
Your browser doesn’t support HTML5
Waraysi: wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia