Xildhibaano Sheegay in Mooshinki Laga Keenay Jawaari uu Jabay
Baarlamaanka oo Codka u Qaadaya Xukuumadda Cabdiweli
WASHINGTON. D.C —
Xildhibaano ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kasoo horjeeda mooshinka laga keenay Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa xalay ku kulmay magaalada Muqdisho.
Xildhibaanadan ayaa kulankooda ka dib qabtay shir jaraa’id oo ay ku sheegeen in mooshinkii laga keenay guddoomiyuhu uu hadda si sharci ah u jabay, sidaasna uu Guddooomiye Jawaari hawshiisa ku sii wadanayo.