Ugu yaraan saddex askar ah iyo ilmo yar ayaa ku dhintay qarax maanta ka dhacay degaanka KM-13 ee duleedka Muqdisho.
Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhashay miino kuwa la hago ah oo lala beegsaday baabuur ay leeyihiin askarta oo marayey waddada Afgooye.
Guddoomiyaha degmada Kaxda oo degaanku hoos yimaado ayaa VOA u sheegay inay dhinteen saddex askari iyo wiil 7 sano jir ahaa. Wiilka ayuu sheegay inuu waddada marayey. Qaraxa ayaa dhacay wax yar ka hor 2-dii duhurnimo xilliga Muqdisho.
Maleeshiyada ururka al-Shabab ayaa iyagu sheegtay mas'uuliyadda weerarkan.
Haaruun Macruuf ayaa wareystay Maxamed Ismaaciil Cabdillaahi oo ah guddoomiyaha degmada Kaxda.
Your browser doesn’t support HTML5
Qarax Ka Dhacay km13