Dagaallo qaraar ayaa illaa xalay iyo maanta ka soconayey magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose.
Dagaalladan oo la sheegay inay ku salaysan yihiin colaad qabaa’il ayaa gaystay khasaare nafeed, waxaana magaalada meelaha qaarkood laga soo sheegay barakac.
Dagaalladan ayaa qeyb ka ah dagaal beeleedyo marar badan soo noqnoqday horey magaalada iyo gobolkaba ugu dhex maray qaar ka mid ah beelaha wada dega.
Jaamac Buulle Jaamac ayaa xaaladda magaalada iyo dagaalladan ka waraystay mid ka mid ah dadka ku dhaqan Marka oo sababo dhinaca amniga ah magaceeda u qarisay.
Your browser doesn’t support HTML5
Dagaal ka dhacay Marka