Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Rex Tillerson ayaa mar kale adkeeyey baahida loo qabo hab cusub oo lagula tacaalo halista nuclear-ka Korea-da Waqooyi ee sii kordheysa, taasi oo ay ku jiraan tallaabooyin ka adag siyaasaddii madaxweyne Obama ee Istraatiijiyadda dulqaadka.
Isaga oo ku sugan dalka Korea-da Koonfureed, ayaa Tillerson waxa uu maanta sheegay inay dhammaatay siyaasadii dulqaadka, islamarkaana ay hadda darsayaan tallaabooyin diblomaasiyadeed, amni iyo dhaqaale oo ka dhan ah Korea-da Waqooyi.
Tillerson ayaa socdaalkiisii ugu horreeyey ee Asia, waxa uu ku marayaa dalalka deriska la ah Korea-da Waqooyi ee Japan, Korea-da Koonfureed iyo China.
Kadib markii uu kulan la qaatay sii haya madaxweynaha dalka Korea-da Koonfureed Hwang Kyo-ahn iyo wasiirka arrimaha dibedda Yun Byung-se, ayaa Tillerson waxa uu sheegay in dadaalladii diblomaasiyadeed ee socday 20-kii sano ee tagay ay guuldarreysteen.
Waxa uu intas ku daray in 1.35 bilyan oo dollar oo Mareykanka uu siiyey Korea-da Waqooyi mudadaas si loogu dhiir-geliyo ay xukuumadda Pyongyang ka dhaadhicin waayeen inay joojiso barnaamijkeeda nuclear-ka.