Cudurka jadeecada ayaa ka dillaacay deegaanno ka mid ah gobolka Saaxil ee Somaliland waxaana ilaa inta la ogyahay u dhintay afar qof halka afartameeyo kalena ay u jiifaan xarumaha caafimaadka.
Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka ee Somaliland Saleebaan Jaamac Diiriye oo u waramay VOA ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay xaalada ula tacaali lahaayeen.
Waxa uu xusay inay deegaanada uu cudurku ka dilaacayna u direen kooxo ka hawl gala si loo xakameeyo in cudurkan uu saameeyo dad kale oo cusub.
Wariyaha VOA ee Hargeysa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa wareystay agaasimaha.
Your browser doesn’t support HTML5
Cudurka Jadeecada oo ka dillaacay Saaxil