USA oo Weerartey Jabhadda ISIS ee Ciraaq

Milatariga Mareykanka ayaa weerarey maliishiyada Islaamiga ee ISIS ee dalka Ciraaq maanta oo Jimco ah kadib markii maliishiyaadkaasi mayalka adag ay hubkooda waaweyn u dhaqaajiyeen dhanka Irbil, halkaas oo ay deggan yihiin ciidamo ka tirsan Mareykanka.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka Pentagon Admiral John Kirby ayaa war uu soo saarey waxaa uu ku sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ay bambaano ku garaaceen hubka culus ee maliishiyaadka ISIS ku weerarayeen ciidamada Kurdiyiinta ee difaacayey Irbil.

Madaxweyne Barack Obama ayaa maalintii Khamiista amrey in diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ay qaadaab weeraro lagu bartilmaameedsanayo dagaalyahannada ISIS, isla markaana ay cunto u qeybiyaan qaxootiga dayacan.

Isagoo ka hadlayey magaalada New Delhi, Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka Chuck Hagel ayaa sheegay in Mareykanka uu wadi doono taageerada uu u fidinayo dowladda Ciraaq iyo ciidamada ammaanka ee Ciraaq, dagaalka ay kula jiraan Maliishiyaadka xagjirka ah ee ISIS.