Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika iyo ciidamada dowladda Somalia ayaa maanta kooxda Al-Shabaab kala wareegay degaano ku yaalla gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Degaanada ay ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Djibouti la wareegeen waxaa ka mid ah Luuq-Jeelloow, Baar, Ceel-cali, iyo Baardheer.
Taliyaha ciidamada Djibouti ee gobolka Hiiraan Col Cismaan Dubad ayaa sheegay in ay dhowr qof gacanta ku soo dhigeen intii uu socdey hawlgalka ay degaanadaasi kula wareegeen.