Somaliland ayaa toddobaadkan ka codsatay xafiiska siyaasadda QM ee arrimaha Somalia, UNSOM in aanu degaanka ka dhigan karin Somaliland, maaddaama uu arrimaha Somalia ku shaqo leeyahay, Somaliland-na ay ka madax banaan tahay.
Somaliland ayaa dhinaca kale sheegtay in xafiiskaas UNSOM ay kala shaqeyn karaan dhinacyada horumarinta.