Madaxweynihii hore ee Maamul-goboleedka Puntland Cadde Muuse.
Madaxweynihii hore ee maamul-goboleedka Puntland, General Cadde Muse ayaa sheegay in xilligan aysan Puntland ka hirgali karin hannaanka xisbiyada, oo taasina ay ugu wacan tahay iyadoo aysan jirin shuruucdii xisbiyada, iyo waliba amni-darada ka jirta Puntland.
General Cadde ayaa soo jeediyay in bisha October la kala diro baarlamaanka Puntland si ay beeluhu u soo doortaan dadkii matali lahaa.
Madaxweynihiii hore ee Putland ayaa maamulka haatan ee Puntland ku eedeeyay inay diideen qorshe dhex-dhexaadin ah oo isaga iyo odoyaal ay ka dhex-wadeen maamulka iyo mucaaradka.