HRW oo Baaq u Dirtay Shirka Somalia ee London

  • Mohamed Sandheere

Shirka Soomaaliya oo bisha May 7-da ka furmaya magaalada London

Hay’adda HRW ayaa ugu baaqday xubnaha ka qeybgalaya shirka London ka furmaya in ajandayaasha lagu daro oo mudnaan gaar ah la siiyo arrimaha xuquuuqda aadanaha iyo isla xisaabtanka, gaar ahaa xuquuqda dumarka.

Hay’adda ayaa warqad u dirtay ka qeyb galayaasha shirka berrito furmaya oo ku saabsan qorshaha fog ee dawladda Somalia ay ku doonayso inay ku hagaajiyo arrimaha caddaaladda, booliiska, dib u dhiska ciidanka, ka hortagga kufsiga, iyo dib u habaynta arrimaha maaaliyadda.

HRW ayaa sheegtay inay diiwaan galisay xadgudubyo ay ku kaceen ciidamada dowladda iyo maliishiyada ay xulufada yihiin, kuwaasi oo ay u geysteen dadka ku nool xeryaha barakacayaasha ee magaalada Muqdisho, xadgudubyadaa oo isugu jira kufsi, garaacis, iyo waxyaabaha ay caawinaadda ku heleen barakacayaashu oo laga dhaco.

HRW ayaa ku baaqday in dawladda iyo wadamada kaalmeynayaa ay xil iska saaraan sidii qorshaha cusub ee dawladdu waddo loogu dari lahaa xuquuqda dumarka. Waxay sheegtay in dawladaha deeqaha siiya Soomaaliya ay dawladda ka caawiyaan sidii loo kobcin lahaa awoodda booliiska si ay u ilaaliyaan dumarka, marka ciidanka booliiska la qorayana muhiimad la siiyo kordhinta tirada haweenka.

Hay’addu waxay intaas ku dartay in lacag gaar ah loo qoondeeyo adeegyada caafimaad iyo kuwa maskaxeed ee lagu taageerayo dhibanayaasha kufsiga.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta HRW ee Shirka London