Ciidanka ayaa iska caabin la'aan galay deegaanka Garasweyn oo qiyaastii 50km dhinaca galbeed ka xiga degmadda Xuddur ee gobolka Bakool.
Ciidanka galay Garasweyn ayaanay wehelin ciidanka Ethiopia oo horay taageero u siin jiray ciidanka Somalia ee deegaanadaas ku sugan.
Dad goobjoog ah ayaa sheegay in ciidanku uu dilay saddex qof oo deegaankaas joogay, kuwaas oo ay ku tuhmeen inay gacan-saar la lahaayeen ururka Al-Shabab.