Dowladda Somalia oo ka Jawaabtay Digniinta Britain
Dowladda Somalia ayaa sheegtay inaysan waxa cusub aheyn digniin ay shalay soo saartay dowladda Britian oo ku wajahneyd muwaadiniinteeda u safra Somalia.
Digniintan ayaa lagu sheegay in Britain ay aaminsantahay in Argagixisada Somalia ay meel gaba gaba ah marsiinayaan weeraro ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta Dowladda Somalia C/laahi Ciilmooge Xersi ayaa VOAda uga Waramay Jawaabta dowladda ee Digniintaas.