Noloshii oo Tartiibtartiib ugu Soo Noqoneysa Gaza

Palestinians celebrate the Israel-Hamas cease-fire in Gaza City, November 22, 2012.

Dadka ku nool magaalada Gaza ee dhulka Falastiiniyiinta ayaa maanta si tartiib-tartiib ah noloshoodii dib ugu bilaabayay kaddib markii ururka Xamaas iyo Israel ay ku heshiiyeen xabad-joojin ay ka soo shaqeysay dowladda Masar taasoo soo afjaraysa duqeyn iyo weerarro socday Muddo toddobaad ah oo u dhaxeeyey labada dhinac.

Xabbad-joojinta oo xalay dhaqan-gashay ayaa maanta u muuqatay mid ay labada dhinac ilaalinayaan. Dhinaca kale, Xamaas iyo Israel ayaa labaduba ka hadlay xabbad-joojintan oo dhinac walba uu sheeganayo guullo.

Wareysi ku saabsan nolosha ku soo noqotay Qaza halkan hoose ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Wareysi ku saabsan nolosha oo caadi ku soo noqoneysa Qaza


Sidoo kale wareysi ay VOAda la yeelatay Xildhiban Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid aha wafdi ka socday baarlamanka Carabta, xilli uu ku sii jeeday Qaza halkan hoose ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso wareysiga aan la yeelanay Xildhibaan Dalxa