Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yurub oo isku raacday heshiis dhaqaale


Yurub oo isku raacday heshiis dhaqaale
Yurub oo isku raacday heshiis dhaqaale

Inta badan dalalka xubanaha ka ah midoowga Yurub ayaa isku raacay Jimcihii shalay heshiis cusub oo kordhinaya maamul dhexe oo isha ku haya miisaaniyadaha shaqsiyadeed iyo kuwa dowladeed. Qorshahan ayaa qeeyb ka ah dadaal la doonayo in wax looga qabto dhibaatooyinka dhinaca deeymaha ee qalqalka geliyay lacagta xubnahaasi ka dhaxeeysa ee Eroga, isla markaana u horseeday Yurub mushkilado dhaqaale.

Dhamaan 17ka dal ee adeegsada lacagta Euroga ayaa isku raacay qorshahan oo ay hurmuud ka ahaayeen Jarmalka iyo Faransiiska, wada xaajood dheer oo ka dhacay shir madaxeedka Yurub ee Magaalada Brussels ee xarunta dalka Builjimka.

Qaar kale oo ka mid ah dalalka Yurub ee aan adeegsan lacagtan ayaa heshiiska qeeyb ka ahaa balse wadanka Britian – oo ah midda ugu xoogan 10 dal oo aan lacagtaasi isticmaalin ayaa sheegtay ineey ka soo horjeedo.

Ra’isul wasaaraha Britian David Cameron ayaa sheegay in xukumadiisa aysan qeeyb ka noqon doonin heshiiks cusub ee Yurub.

Waxa uu sheegay Mr. Cameron in danta dalka britian aysan ku jirin heshiiskaasi isla markaana uu ku faraxsanyahay in dalkiisa aanu ka mid aheyn dalalka adeegsada lacagta Euro.

XS
SM
MD
LG