Barnaamijka afraad ee taxanaha Dhalinyarada Maanta & Dagaallada Soomaaliya waxaan ku soo qaadanaynaa sheekada wiil aanu magaciisu ku soo koobnay “Cabdifataax”. oo tiro lix goor ah ku dhaawacmay dagaallada sokeeye ee ka dhacayey Soomaaliya.
Cabdifataax haatan waa 17 jir, waxana uu ku nool yahay magaalada Muqdishu. Dhaawacyada soo gaaray oo uu kii ugu dambeeyeyna ku naafoobay kadib, waxa uu haatan go’aansaday inuu ka haro dagaallada oo u jeesto dhinaca waxbarsashada.
Barnaamijka waxa soo diyaariyey Haaruun Macruuf, waxaase toddobaadkan soo jeedinaysa Farxiya Maxamed Cabsiiye.
Dhinaca kore ee midigta ka dhagayso barnaamijka afraad ee taxanaha Dhalinyarada Maanta & Dagaallada Soomaaliya.