Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yemen: Soomaali lagu eedeeyay Burcad-badeednimo


Maxkamad ku taalla magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa mar kale dib u furtay dib u dhegaysiga dacwed lagu soo oogay in ka badan 20 dhallinyaro Somali ah.

Eedda loo haysto dhalinyaradaasi ayaa ah in ay ahaayeen burcad badeed .

Dhallinyaradaasi ayaa muddo sannad ah waxaa lagu hayey xabsi ku yaalla dalka Yemen .

Waxaana lagu eedaynayaa in ay isku dayeen in maraakiib shisheeye ay ka afduubtaan biyaha Yemen.

Dabayaaqadii sanadkii 2008dii ayaa dhalinyaradan ay soo qabteen ciidamadda badda ee India iyo Russia, waxaana ay ku soo wareejiyeen ciidamada amaanka ee Yemen.

Xabsiyada Yemen ayaa waxaa ku xidhan ku dhawaad 50 dhalinyaro oo Soomaali ah oo loo haysto falal la xidhiidha Burcadnimo, waxaana ay dhalinyaradaasi ay ku xidhanyihiin magaalooyinka Sanca, Mukalla, iyo Cadan.

XS
SM
MD
LG