Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xukuumadda KMG oo Heegan Gelisay Dalka


Xukuumadda KMG oo Heegan Gelisay Dalka
Xukuumadda KMG oo Heegan Gelisay Dalka

Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday inay heegan gelisay guud ahaan dalka Soomaaliya, kana digtay al-Shabaab.

Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhowaaqday inay heegan gelisay dalka, isla markaana ka digtay aargoosi ka yimaada al-Shabaab, kaasoo la xiriira dilkii hoggaamiyihii al-Qaacida Osama bin Laden ee dhowaan la dilay.

Afhayeenka xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, Eng: Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in dowladdu ay heegan buuxa gelisay ciidamada, in aan hub lagu dhex qaadan karin dalka, in aanu socon karin gawaarida wixii ka dambeeya 9:00 fiidnimo.

Amarkan feejignaanta ah ayaa yimid iyadoo ay dowladda KMG ah ay horumar ka sameysay dagaalo ay kooxda al-Shabaab kula gashay Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada koonfurta Soomaaliya.

Inkastoo horumarkaasi uu jiro, haddana wuxuu amarkan saameyn doonaa qeybo yar oo ay dowladdu ka maamusho Muqdisho.

XS
SM
MD
LG