Wafti ka socda baarlamaanka Somalia oo kala matalaya Shariif Xasan Sheekh Aadam iyo Madooba Nuunow Maxamed ayaa ka qeyb galay shirka baarlamaanada IGAD oo ka socda dalka Djibouti. Waxa wararku sheegayaan in labada qeybood ay isku qabsadeen ciddii la hor dhigi lahaa calanka Somalia, iyada oo dalka Djibouti oo isku dayayey in uu meel dhexe isku keeno, uu markii dambe kooxna hor dhigay calanka, kooxdii kalena magaca Somalia.
Wareysi arrintaas la xiriira, qeybta hoose ka dhageyso.