Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xoghayihii Gaashaandhigga ONLF oo la Dilay


Dagaalyahanada ONLF
Dagaalyahanada ONLF

Ururka ONLF ayaa xaqiijiyey in xoghayahoodii Gaashaanshigga uu ku dhintay iska horimaad maalintii Isniinta ee toddobaadkan ka dhacay meel u dhow xadka Soomaaliya iyo Itoobiya oo lagu magacaabo Ceel-Gaabta.

Sarkaal sare oo ka tirsan ONLF, Caddaani Hirmooge ayaa VOA u sheegay in xoghayaha la dilay oo lagu magacaabo Sheekh Deeq Maxamed ay la dhinteen laba xubnood oo kale oo ka tirsan ciidanka ONLF.

Caddaani Hirmooge waxa uu sheegay in afar xubnood oo kale la qabtay, waxana uu sheegay in dagaalka lagu dilay mas’uuliyiinta ururka ay ka qayb galeen ciidamo kala duwan oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan.

Wararka ay idaacdada VOA ka heshay dad deegaanka ah ayaa sheegaya in xubin kale oo ka mid ah mas’uuliyiinta ONLF ay maleeshiyada ururka Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca ay ku qabteen magaalada Matabaan kadibna ninkaasi loo gacan geliyey dawladda Itoobiya.

Xubnahan ka tirsan ONLF ayaa la sheegay inay ka yimaadeen dhinaca Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ayna wateen baabuur kaasi oo cilladi ka gashay ka hor intii aan iska horimaadku dhicin.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Ahlu Suna waljamaaca oo gacanta ku haya Degmada Matabaan.

Sdioo kale waxaa VOA ay la xidhiidhay mas’uuliyiinta Soomaalida ee Gobolka Ismaamulka Itoobiya, umana suurto gelin inay oggolaadaan inay ka hadlaan dhacdadan.

XS
SM
MD
LG