Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xisbul Islaam oo eedeeysay Djibouti


Maleeshiyo
Maleeshiyo

Sarkaal ka tirsan kooxda Xisbul Islaam ayaa eedeeyn u jeediyay go’aanka ay Djibouti ciidamada ugu soo direyso dalka Somalia.

Sarkaal ka tirsan kooxda Xisbul Islaam ayaa eedeeyn u jeediyay
dowladda Jabuuti, go’aankeeda ay ciidamada ugu soo direyso dalka
Soomaaliya.

Sheekh Maxamed Macalin oo ah xoghayaha warfaafinta ee Kooxda Xisbul
Islaam oo soo hadal qaaday madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar
Geelle ayuu wuxuu ku tilmaamay in ciidamada uu u soo dirayo Soomaaliya
ay la micno tahay inuu ka qeyb qaadanayo Xasuuqa Soomaaliya, sida uu
hadalka u dhigay.

Sheekh Maxamed Calim ayaa sidoo kale ka hadlay dalka Nigeria oo uu
sheegay inuu soo dhoweynayo go’aanka aysan ciidamada ugu soo direynin
Soomaaliya.

Hadaba dadka qaarkii ayaa khalad ku tilmaamay in Jabuuti lagu eedeeyo
inay u gol leedahay inay ka qeybqaadato Xasuuqa Soomaaliya.

Faarax Xasan Nuur oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku nool magaalada
Denver ee gobolka Colorado ee dalkan Maraykanka ayaa sheegay inaan wax
la aqbali karaa aysan ahayn in Jabuuti lagu tilmaamo dal dhibaato la
rabto dalka Soomaaliya.

Warbixinta arrintan ka dhegayso qeybta hoose ee qoraalkan

La Xiriira

XS
SM
MD
LG