Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xisbiga Kulmiye oo ka hadlay safarka Rayaale


People look at damage from a car bomb, Baghdad, May 30, 2013.
People look at damage from a car bomb, Baghdad, May 30, 2013.

Muuse Biixi, G/kuxigeenka Kulmiye ayaa safarka madaxweyne Rayaale u kumarayo dibedda ku tilmaamay mid aan miro dhal lahayn.

Shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay Hargeysa ayuu ku sheegay in madaxweyne Rayaale uu muddo 8 sanno ah uu safaro dibedda u baxayay, balse aanu midkoodna ka keenin natiijo la taaban karo, haddii ay noqon lahayd ictiraaf ay hesho Somaliland iyo dhaqaalaba.

Muuse Biixi, wuxuu fadeexad ku tilmaamay in wasiir ka tirsan Somaliland oo ka mid ahaa wafdiga madaxweyne Rayaale lagu reebo magaalada Dubai, kadib markii loo diiday oo laga reebay safarkii madaxweynuhu uu France ugu socday.

G/kuxigeenka xisbiga Kulmiye, wuxuu sidoo kale ku eedeeyay xisbiga talada haya ee Udub rabshadihii dhawaan ka dhacay gobollada bari ee Somaliland kuwaasoo u dhaxeeyay taageerayaasha labada xisbi.

XS
SM
MD
LG