Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaanno Soomaali ah oo ku xiran Ethiopia


Baarlamaanka Somalia
Baarlamaanka Somalia

Xildhibaano ka tirsan DKMG ah ayaa la sheegayaa inay ku xiran yihiin gudaha Ethiopia kadib markii ay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka ee dalkaasi.

Xadhiga Xildhibaanada waxaa V0A-da u xaqiijiyay C/raxmaan Maxamuud kulmiye "C/raxmaan dheere" oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

Xildhibaanadda xidhan ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay dhaqdhaqaayo ciidan iyo howlaba kawaday gobolka Hiiraan, balse waxaa la sheegayaa in kadib dagaalladii ka dhacay gobolkaasi ee looga itaal roonaaday DKMG ay u talaabeen dhinaca xadka Ethiopia.

Xildhibaan C/raxmaan Max’uud Macalin oo ka soo jeeda gobalka hiiraan ayaa sharci darro ku tilmaamay xadhigaasi, isaga oo ugu baaqay dowlada KMG ah inay ka shaqeyso sidii loo siideyn laahaa.

Xadhiga xidhibaannada baarlamaanka oo iminka laga joogo muddo bil ah ayaa soo shaacbaxay todabaadyadii ugu danbeey inkasta oo ay soconaayaa dadaalo sidii lagu sii deyn lahaa.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso warbixinta xadhiga iyo wareysiga Prof Dalxa.

XS
SM
MD
LG