Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaan Eedeyn u Jeediyay Puntland


Xildhibaan Eedeyn u Jeediyay Puntland
Xildhibaan Eedeyn u Jeediyay Puntland

Xildhibaan Cabdiraxmaan Jaamac Cabdulle ayaa ku eedeeyay mas'uuliyiinta Puntland inay si sharci darro ah su'aalo u weydiiyeen.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Jaamac Cabdulle oo ka tirsan baarlamaanka dowladda KMG ah ayaa ku eedeeyay mas'uuliyiinta Puntland inay si sharci darro ah ugu yeereen xarunta bileyska qeybta gobolka Bari ee magaalada Boosaaso, si ay su'aalo u weydiiyaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in mas'uuliyiin ka tirsan wasaaradda amniga, maamulka gobolka iyo taliska booliska ay kula kulmeen xarunta booliska.

Wuxuu sheegay in sarkaal ka tirsan booliska uu u sheegay inay ugu yeereen ka dib markii uu ka qeybgalay shirar ka dhan ah maamulka Puntland.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa beeniyay inuusan Puntland u iman arrimo ka dhan ah maamulka, balse uu yahay maamul uu wax ka dhisay horumarkeeduna ka shaqeynayo. Wuxuu kaloo sheegay inuu fasax u yimid, maadaama uu Puntland ka soo jeedo.

XS
SM
MD
LG