Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xero Qaxooti iyo Waxbarasho Jaamacadeed


Xero Qaxooti iyo Waxbarasho Jaamacadeed
Xero Qaxooti iyo Waxbarasho Jaamacadeed

Xerada Qaxootiga ee Kaakuma waxaa jira arday dhigata waxbarasho Jaamacadeed.

Waxay ku nool yihiin xero qaxooti, xaalado aad u adag oo sidan oo kale in lagu helo shahaado jaamacadeed waxau u muuqata riyo aan suurtagal ahayn.

Laakiin arday qaxooti ah oo ku jira xerada Qaxootiga ee Kaakuma ee waqooyiga Kenya waxay heli karaan Shahaado Jaamacadeed.

Jaamacadda Koonfur Afrika iyo hay’adda Jesuit Refugee Service ayaa waxay iska kaashadeen inay ugu yaboohaan shahaadada Bachelor xarunta Waxbarashada masaafada fog ee Kakuma.

Manhajka ay xaruntani isticmaaleyso wuxuu la mid yahay kan ay isticmaalaan xarumaha kale ee waxbarashada masaafada fog, laakiin ardeydan waxaa soo wajaha daruufo gaar ah.

Aqallada ku yaalla xeryaha qaxootigu ma lahan koroto amma biyo. Xitaa cuntada ayaa aad ugu yar. Computerada waxaa lagaga shaqeysiiyaa dabdhaliyeyaal amma soollar oo iyagu wakhtiyo gaar ah dharaartii shaqeeya.

Kulka jira xitaa waa mid aan loo dulqaadan karin. Dagaalo ayaa aan ku talagal ahayn uga dhaca xerada iyo deegaamada ku dhow dhow.

XS
SM
MD
LG