Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda Wariye la Dhaawacay


Saraakiisha Caafimaadka ee Cusbitalka Madina ayaa sheegay iney ka soo reyneyso xaaladda wariye Maxamed Nuur Maamed Sharifka oo xalay rag hubeysan ay ku dhaawaceen degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho.

Wariyaha ayaa u shaqeynayay idaacadda Bar kulan oo fadhigeeduyahay magaalada Nairobi ayna maalgeliso Qaramada Midoobay.

Warka ku saabsan wariyahan oo maqal ah halkan hoose ka dhageyso;

XS
SM
MD
LG