Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wicitaanka Dhageystaha: Xeerka Doorashada iyo Dastuurka Puntland


Wicitaanka Dhageystaha: Xeerka Doorashada iyo Dastuurka Puntland
Wicitaanka Dhageystaha: Xeerka Doorashada iyo Dastuurka Puntland

Barnaamijka Wicitaanka waxaa marti ku ah wasiiru-dowlaha dastuurka iyo arrimaha federaalka ee maamul-goboleedka Puntland Dr. Cabdi Xasan Jimcaale.

Puntland waxay si kmg ah ugu dhaqmaysaa dastuur ay meel mariyeen Golayaasha xukuumadda iyo wakiilada amma baarlamaanka, waxaa kaloo uu dhowaan baarlamaanku ansixiyay xeerka guddiga doorashooyinka. Waxaana jira guux ka imanaya bulshada qaarkood oo iyagu dood culus ka soo jeedinaya dastuurka iyo xeerka doorashooyinka.

Barnaamijkeena oo arrimahaasi kusaabsan waxaa marti inoogu ah wasiiru dowlaha dastuurka iyo arrimaha federaalka ee Puntland Dr. Cabdi Xasan Jimcaale. Wasiirka waxaa uu ka jawaabi doonaa su’aalo ay weydiin doonaan qaar ka mid ah dhagaystayaasheena.

Barnaamijka waxaa soo diyaariyay Cabdulqaadir Maxamed Nuunow.
Haddii aad dooneysaan inaad ka qeybgashaan barnaamijka wicitaanka dhageystaha, waxaad fariimihiina ku soo diri kartaan Emailka: somali@voanews.com Waxaadna cinwaan uga dhigtaa amma subject Wicitaanka Dhageystaha.

XS
SM
MD
LG