Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wicitaanka: Ahlu-Sunna Waljamaaca

A demonstrator falls after being hit by water cannon used by riot police to disperse the crowd during a protest against the destruction of trees in a park brought about by a pedestrian project, in Taksim Square in central Istanbul.

Barnaamijkan wicitaanka dhageystaha waxaa uu ku saabsan yahay Ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca, qaabkii uu ku aasaasmay iyo sida uu la dagaalamo al-Shabaab.

Culimada Ahlu Sunna waljamaaca waxaa ugu awood badan kuwa ku sugan gobollada dhexe, kuwaasoo dagaalo adag gobolkaasi kula galay kooxda al-Shabaab.

Ahlu-sunna sidee bay ku aasaasantay, muxuuse yahay xiriirka ka dhaxeeya iyaga iyo dowladda KMG ah, walaac ma ka hayaa isu biiritaanka al-Shabaab iyo Xisbul-Islaam.

Arrintaasi waxaa faah faaahin doona Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Cali al-Ashcari, afhayeenka Ahlu-Sunna waljamaaca ee gobollada Dhexe oo ku sugan degmada Guriceel ee gobolka Galguduud.

Wuxuu ka jawaabi doonaa su’aalo ay weydiin doonaan qaar ka mid ah dhageystayaasha VOA-da, balse su’aashii ugu horreysay ee aan weydiiyay waxay ahayd, sida uu ku aasaasmay ururka ahlu-Sunna waljamaaca ee dagaalka kula jira al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG