Toddobaadkan, waxaa marti noogu ah Harun Maxamed Macallin, oo ah guddoomiyaha dowladaha hoose ee afar degmo oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari Kenya. Guddoomiyaha ayaa ka warramaya arrimo ay kamid yihiin ammaanka gobolka, dhaqaalaha iyo waliba dhaqanka.
Guddoomiye Harun ayaa sheegay in laamaha amniga ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ay dardar galiyeen howlaha amniga, iyagoo sida uu sheegay guulo la taaban karo kasoo hooyey.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka jawaabaya su'aalo fara badan oo ay soo weydiiyeen dhageystayaasha VOA ee gobolka, iyagoo weydiiyey waxa uu maamulka gobolka ku qabto lacagaha faraha badan ee canshuurta ah ee laga qaado shacabka gobolkaas.
Sidoo kale, wuxuu ka jawaabayaa su'aal la xiriirtay hannaanka waxbarashada ee gobolka.