Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar ka Dhacay Kenya oo Lix Qof Lagu Dilay


Ugu yaraan lix qof ayaa geeriyootay markii rag hubeysan ay maanta xabado ku fureen laba baabuur rakaabmeel u dhow xududda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

“Booliis goobta tagay ayaa arkay lix qof oo toogasho lagu dilay” Waxaa sidaas yiri madaxa booliiska Kenya Joseph Boinnet, oo intaas ku daray “Ugaarsiga argagixisadan waa uu socdaa”.

Dadka dhintay ayaa la rumeysan yahay inay yihiin shan qof oo rayid ah iyo qof boolis ahaa. Ugu yaraan 11 qof oo kale oo rayid ah ayaa lagu dhaawacay weeraraka oo ka dhacay inta u dhaxeysa Ceel-Waaq iyo War-Guduud.

Weeraro noocan oo kale ah oo horey ugu dhacay gobolka Woqooyi bari Kenya ayaa waxaa fuliyey kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya.

Shalay ayay ahayd markii qarax haleelay baabuur rakaab ah oo marayey waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ay ku dhinteen 18 qof.

Al-Shabaab ayaa kumanaan qof oo shacab ah leysay tan iyo markii ay ololoheeda argagixiso billowday 10 sano ka hor.

Faahfaahinta weerarkan ayaa Ismaaciil Xuseen Farjar, waxa uu ka waraystay Maxamed Yuusuf oo maamule ka ah mid ka mid aha basaska iskaga goosha Gobolka Waqooyi Bari Kenya oo goobta weerarku ka dhacay ka ag-dhowaa.

Weriyahayaga Waqooyi Bari Kenya Maxamed Faarax Shire ayaa weerarkan ka waraystay Madaxa Amniga ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya Ambassador Maxamuud Saalax.

Wareysi: Maxamuud Saalax
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:36 0:00

XS
SM
MD
LG