MUQDISHO —
Shirkii maalmahan magaalada Muqdisho ugu socday xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran ayaa maanta lasoo geba gebeeyey.
Madaxda dowladda federalka ah iyo kuwa maamul goboleedyada oo kulamadan ay u socdeen ayaa galabta war murtiyeed ka soo saaray kaasoo ay kaga hadleen geedi socodka siyaasadda Somalia gaar ahaan doorashooyinka soo socda.
Afahyeen madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa warmurtiyeedka u aqriyey warbaahinta.