Booliska magaalada Boosaaso ayaa maalintii saddexaad waxay xabsiga ku hayaan wariye ka tirsan shabakadda internetka ee Hiiraan Online faysal Maxamed Xasan (Feysal Boston).
Wasaaradda warfaafinta ee Puntland oo ka hadashay xarigga wariyehaasi ayay sheegtay in loo haysto wariyaha war uu tebiyay oo ay ku sheegeen inuu khalad ahaa.
Dhinaca kalena, urur ay leeyihiin suxufiyiinta Puntland oo magaciisa loo soo gaabiyo MAP, iyo qaraabada wariyaha ayaa waxa ay wadaan dadaal ay ku doonayaan sidii wariyeyaasi loo sii deyn lahaa.