Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi Gaas: Doorashada Dib Ayey u Dhacday


Cabdi Weli Gaas
Cabdi Weli Gaas

Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa idaacadda VOA usheegay in dib loo dhigay doorashadii Madaxda Soomaaliya iyo hay’adaha dawlaiga ah ugu yaraan laba bilood oo kale.

Waraysi gaar ah oo uu siiyey idaacadda VOA ayuu ku sheegay in inkastoo aysan madaxdu isla gaadhin heshiis kama dambays ah laakiin uu aamisan yahay in qorshaha doorashooyinka lagu dhammaystiri karo laba bilood.

Gaas ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu ka socdo shirka hoggaamiyayaasha Madasha Qaranka, kaasi oo la filayo in laga soo saaro go’aanno quseeya doorashada.

Gaas ayaa u warramay weriyaheena Falastiin Axmed Iimaan oo ugu horrayn weydiisay waxyaabaha ay ka wada hadleen madaxda dalku shirararkii maalmahan uga socday Muqdisho.

Wareysi: Cabdi Weli Gaas
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:22 0:00

XS
SM
MD
LG