Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: Soomaalidu Cadaalad & Karaamo ayay Doonayaan


Warbixin: Soomaalidu Cadaalad & Karaamo ayay Doonayaan
Warbixin: Soomaalidu Cadaalad & Karaamo ayay Doonayaan

Warbixin ay si wadajir ah u soo saareen hay'adda CIVIC oo ah hay'ad aan dowli ahayn oo fadhigeedu yahay Washinton iyo hay'adda UNHCR ayaa looga hadlay tacadiyada dadka rayidka Soomaalida ka soo gaadhaya dagaallada Soomaaliya.

Warbixintan oo loogu magac daray "Dhibaatada dadka rayidka ee Soomaaliya iyo jawaabaha saxda ah ee laga bixinayo" ayaa waxaa lagu wareystay 100 qof oo Soomaali ah.

Warbixintan ayaa sheegtay in dadka Soomaalidu ay doonayaan cadaalad waafaqsan xeerka iyo dhaqanka Soomaaliya. Warbxintay waxay ugu baaqeysaa dhinacyada dagaallamaya inaysan bartilmaameedsan dadka rayidka ah, sidoo kalena ay raali galin kabixinyaan dhibaatada ay geysanayaan.

Dhageyso warbixinta oo maqal ah.

XS
SM
MD
LG