Beledweyne —
Mas'uuliyiinta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in qaraxii shalay ka dhacay Beledweyen uu gaystay khasaare nafeed oo badan iyo burbur laxaad leh. Waxa la aamisan yahay inay qaraxaas ku dhinteen ugu yaraan 20 qof, ilaa 36 qof kalena ay ku dhaawacmeen.
Dadka dhaawacmay ayaa qaarkood loo daadgureeyey Muqdishu, waxaana socda baadi-goobka dad kale oo wax ku noqday.
Wararkii ugu dambeeyey waxaa warbixintan kasoo diray weriyahayaga Xuseen Xasan Dhaqane.
Haddaba weerarka al-Shabaab ay shalay ku qaadeen magaalada Beldweyne iyo dareenka laga bixiyey waxaa warbixintan inooga soo diray weriyahayaga Muqdishu Xasan Kaafi Qoyste.
Madal