Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wafdi ka Socda UNCHR oo Puntland ku sugan


Wafdi ka Socda UNCHR oo Puntland ku sugan
Wafdi ka Socda UNCHR oo Puntland ku sugan

Wafdi ka Socda UNCHR oo Puntland ku sugan ayaa la kulmay madaxda maamulka sii looga hadlo qorshaha dib u dejinta barakacayaasha.

Wafdigan oo ka kooban ku xigeenka madaxa hay'adda UNHCR iyo madaxa u qaabilsan arrimaha Somalia, ayaa madaxtooyada Puntland kulamo kula yeeshay mas'uuliyiinta dawlad goboleedka Puntland.

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdixakiim Axmed Guuled ayaa VOAda u sheegay in arrimaha ugu muhiimsan ee laga wada hadlay ay ahayd sidii looga tashan lahaa daryeelka iyo hagaajinta nolosha dadka barakacayaasha ee u soo qaxay Puntland.

Waxaana sida uu wasiirku tilmaamay ay wafdigu maanta Sabti ah soo eegi doonaan goobo cusub oo loogu talagalay in loo raro dadka barakacayaasha ah ee buushaska magaalooyinka dhexdooda ku nool, talaabadasai oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid ay isku afgarteen maamulka Dawlad goboleedka Puntland iyo hay'adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootigaee UNHCR.

XS
SM
MD
LG