Wafdi ka tirsan dowladda KMG oo ay ka mid yihiin wasiirro ayaa maanta gaadhay Gaalkacyo. Wafdigan ayaa u tagay Gaalkacyo sidii ay u dhexgali lahaayeen colaad ka dhextaagan laba beelood oo hoostaga maamullada Galmudug iyo Puntland. Colaadan oo soo noqnoqanaysay ayaa sababtay dhimasho iyo dhaawac. iyadoo dagaaladii maalmihii u dambeeyeyna ay ku dhinteen dad gaaraya 30 ruux.
Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo wafdigaas ka mid ahaa ayaa wareysi ay VOA-du la yeelatay ku sheegay in farriin nabadeed ay wadaan.
Wareysiga oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.