Sida uu ku soo warramayo wariyaha VOAda ee magaalada Garowe Nuux Muuse Birjeeb, dareenka laga qabo dhalinyarada burcad badeedda ayaa u muuqda mid ka duwan sidii hore.
Dareenkan ayaa sii xoogaystay ka dib markii dhowr mar ay afduubeen maraakiib u raran ganacsato Soomaaliyeed.
Culimaa’udiinka ayaa iyaguna dadaal dheeraad ah u galay in ay bulshada ka wacyigaliyaan halista ay leedahay dhicista iyo afduubashada maraakiibta.
Waxaanay culimadu tilmaameen in ay tahay arrin diinta ka baxsan in xoolo dad kale sifo aan sharci ahayn lagu qaato amma xoog lagu haysto.
Ururada Bulshada rayidka ah ayaa qaylo dhaan ka soo saareey saamaynta ay lacagta laga heli afduubka maraakiibtu ku yeelatay bulshada.
Isticmaalka maandooriyaha, guurka iyo furriinka deg degga ah oo batay, dhamaan waxay ka mid yihiin arrimaha bulshada ku batay tan iyo markii la bilaabay falalka budcad badeednimada ah.
Maamulka Puntland ayaa ballan qaaday in tababar iyo taageero loo gaysan doono dhalinyarada iskood fara uga qaadda hawlaha burcad badeedka.
Faahfahin warbixintan ku saabsan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.