Tallaabada uu Maraykanku ku dabagalayo shakhsiyaadka xiriirka la leh kooxda al-Shabaab ee ku sugan dalkan Maraykanka ayaa waxaa soo dhoweeyay qaar ka mid ah ehellada dhalinyaradii ku biirtay al-Shabaab.
Cismaan Axmed Sheekh oo abti u ah mid ka mid ah dhalinyarada lagu dilay dagaalada Soomaaliya ayaa ku tilmaamay tallaabada isugu jirta Xariga iyo eedeeynta mid hakin doonta dadka ku taamaya in dhalinyaradooda u dagaal tagaan Soomaaliya.
Cismaan oo u warramay VOA-da ayaa sheegay in tallaabadan ay digniin u tahay al-shabaab iyo dadka u adeega, wuxuuna sheegay in Maraykanku uusan ka harin damacooda ah inay dhalinyaro badan u qortaan dagaalada Soomaaliya.