Isku xirrada

War Deg-Deg ah

VOA oo Shahaado Sharaf La siiyay


Xaflad ka dhacday magaalada Toronto ee dalka Kanada oo ay qababqaabadeeda lahaayeen Aqoonyano somaliyeed oo matalayay Bulsho weynta magaalada Toronto, ayaa shahaado sharaf lagu siiyay Madaxa Laanta Afka Somaliga ee Idaacadan VOA Cabdiraxman Yabarow.

Shahaadadaasi oo ku saabsaneyd adeegga ay laanta Afka Somaliga u heyso Bulshada ayaa waxaa ku saxiixnaa, Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka ee gobolka Ontario.

Xafladan oo aheyd mid si weyn loo soo abaabulay ayaa dadkii ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa wariyaha VOAda Ibrahim Xassan Dandurey oo warbixintan inooga soo diray.

XS
SM
MD
LG