Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Soomaali Xabsi Daa'im lagu Xukumay


USA: Soomaali Xabsi Daa'im lagu Xukumay
USA: Soomaali Xabsi Daa'im lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla dalkan Maryaknka ayaa Xabsi-daa’in ku xukuntay shan budhcad-bacdeed Soomaali ah.

Maxkamad ku taalla dalkan Maryaknka ayaa Xabsi-daa’in ku xukuntay shan budhcad-bacdeed Soomaali ah.

Shantan nin ayaa lagu eedeeyay in ay weerareen sanadkii hore markab ay leeyihiin ciidmada Marykanka.

Maxkamddan oo ku taalla Gobolka Virginia ee dalkan Maraykanka ayaa sidoo kale 80 sano oo dheeraad ah ku xukuntay isla shantaasi budhcad badeedda ee Soomaalida ah, kuwaasi oo la xiriira weerarka ay qaadeen.

Burcaddan ayaa rasaas ku furay markabka ay ciidaanka maraykanku leeyihiin ee USS Nicholas kaasi oo hawla Ilaalo ah ka waday xeebaha Somalia bishii April e sanadkii tagay.

Shanta nin ayaa laga yaaba in ay Markabkan u haysteen mid rayid ah oo ay is lahaayeen afduubta.

Qareenka difaacayay dhalinyaradaasi ayaa ku dooday in ay ahaayeen kalluumaysato Soomaali ah oo ay burcad badeeddu ku qasbeen in ay rasaas ridaan.

Saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay in ay dhacdadan tahay markii ugu horaysay ee maxkamad Maraykan ah xukun ku riddo burcad badeed muddo 200 oo sanadood ah.

XS
SM
MD
LG