Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA oo Xukuntay Burcadbadeed


USA oo Xukuntay Burcadbadeed
USA oo Xukuntay Burcadbadeed

Maxkamad Maraykan ah ayaa xabsi daa'im ku xukuntay, labo nin oo burcadbadeed Soomaali oo lagu eedeeyay dilka Muwaadiniin Maraykan ah.

Maxkamad Maraykan ah ayaa labo nin oo burcadbadeed Soomaali ku xukuntay xabsi daa’im, ka dib markii lagu eedeeyay dilka afar muwaadiniin Maraykan ah, kuwaasoo sanadkan horraantiisii lagu afduubtay xeebaha dalka Cummaan, mar ay ku socdaalayeen doon kuwa raaxada ah.

Saraakiil ku sugan degmada Norfolk, ee gobolka Virginia ayaa Isniintii shalay ku dhowaaqay xukunnada lagu riday Cali Cabdi Maxamed oo 30 jir ah iyo Burhaan Cabdiraxmaan Yuusuf oo 31 jir ah.

Saraakiishu waxay kaloo sheegeen in todobaadyada soo socda maxkamad la hor keeni doono, 9 kale oo burcadbadeednimo ku eedeeysan.

Mas’uuliyiintu waxay qoraal ku sheegeen in labadan nin ee la xukumay ay ka mid ahaayeen 19 nin, kuwaasoo badda u galay si ay afduub u geystaan, ayna ku helaan madaxfurasho.

Afarta muwaadin ee Maraykanka ah waxaa la dilay bishii February, maalmo ka dib markii la afduubtay. Dilkaasi wuxuu ahaa markii ugu horreysay oo muwaadiniin Maraykan ah ay ku dhintaan gacanta burcadbadeedda ka qowleysata xeebaha Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG