Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA oo $5 milyan Siineysa Soomaalida


USA oo $5 milyan Siineysa Soomaalida
USA oo $5 milyan Siineysa Soomaalida

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay $5 milyan oo doollar oo dheeri ah siineyso qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Geeska Africa.

Dowladda Maraykanka ayaa daaha ka rogtay $5 milyan oo dollar oo gargaar ah, taasoo lagaga jawaabayo baahida deg degga ah ee qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Geeska Arika.

War saxaafadeed ay soo saartay safaaradda Maraykanka ee dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay, in dowladda Maraykanku ay si qoto dheer uga walaacsan tahay saameynta abaarta ka jirta Geeska Afrika.

Waxaa war saxaafadeedka lagu sheegay in Isniintii shalay ay saraakiil Maraykan ah oo ay ka mid yihiin, Safriirka Maraykanka ee dalka Itoobiya, Ambassador Doland Booth, ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka u qaabilsan arrimaha dadweynaha, qaxootiga iyo socdaalka Dr. Reuben Brigety, iyo maamule ku xigeenka hay’adda Maraykanka u qaabilsan gargaarka iyo horumarinta caalamiga ee USAID, Donald Steinberg inay booqdeen xeryo ay deggan yihiin qaxooti Soomaaliyeed oo ku yaalla meel ku dhow Dolow Ado ee koonfurta Itoobiya.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda UNHCR, dowladda Itoobiya, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Sweden ay socdaalkaasi booqashada ku wehliyeen.

Ujeedada booqashadaasi ayaa lagu sheegay inay tahay in qiimeyn lagu sameeyo jawaabta ugu horeysa ee xaaladda xeryahaasi ka taagan si dar dar loo geliyo ka jawaabista baahida.

Waxaa war saxaafadeedka lagu sheegay in dowladda Maraykanka ay diyaarisay $5 milyan oo dollar oo gargaar dheeraad ah oo wax lagaga qabto baahida abaareed ee haysata qaxootiga Soomaalida, iyadoo dowladda Maraykanku ay horey u qorsheysay mashaariic lagu gargaarayo qaxootiga ku sugandalalka Kenya iyo Itoobiya, kuwaasoo ku bixi doona $63 milyan oo dollar.

XS
SM
MD
LG