Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ururka Al-Shabab oo Sheegtay Qaraxii Muqdisho


Ururka Al-Shabab oo Sheegtay Qaraxii Muqdisho
Ururka Al-Shabab oo Sheegtay Qaraxii Muqdisho

Dhinaca kalena, Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DKMG ee Somalia ayaa sheegay in Ururku uu dad shicib ah bartilmaameedsaday

Ururka Alshabab ee si rasmi ah u sheegtay mas'uuliyadda qaraxii shalay lala beegsaday meel shaaha laga cabbo oo u dhaweyd Hotel Muna oo sanadkii hore qarax loogu geystay.

Dhinaca kalena, Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DKMG ee Somalia, Cabdixakiim Cige Guuleed ayaa sheegay in Ururku uu dad shicib ah bartilmaameedsaday.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in dawladdu ay ku dadaashay ilaalinta goobaha dawladda, hase yeeshee ay adag tahay in goobaha shacabka oo dhan la wada ilaaliyo, ururkuna uu weerarkiisii Arbacadii uu goob shacabku ku badan yahay uu ku beegsaday.

Warbixin iyo wareysi arrintaas la xiriira qeybta hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG