Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UNHCR oo Walaac ka Muujisay Xaaladda Somalia


UNHCR oo Walaac ka Muujisay Xaaladda Somalia
UNHCR oo Walaac ka Muujisay Xaaladda Somalia

Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay UNHCR, ayaa ugu baaqday caalamka in ay magan galiyo u fidiyaan qaxootiga Somalia.

Hay’adda UNHCR ayaa shaaca ka qaaday in xaaladda dalka Somalia ay ka sii darayso, waxaana ay si gaar ah ay u xustay koonfurta iyo badhtamaha Somalia.

Waxaanay hay’addu wadamada caalamka ka codsatay in dadka ka yimaadda dhulkaasi si deg deg ah loo siiyo magangaliyo xittaa hadii aanay buuxiin shuruudihii qaxootinimada ee heshiiskii caalamiga ah ee sanadkii 51kii.

Afhayeenka UNHCR Melisa Fleming ayaa sharaxaad kabixisay sida heshiiskii 51kii u qeexayo qaxootinimada kuna dabaqaday xaaladda Somalia.

UNHCR waxa kale oo ay soo saartay tixraac cusub oo loogu talagalay xoojinta magangaliyada ay u baahnyihiin dadka soomaalida ah ee ka qaxaya badhtamaha iyo koonfurta Somalia.

Waxaana af hayeenka UNHCR ay sheegtay in Qaramada Midoobay ku boorinayso wadamada in si deg deg ah ay u qiimeeyaan codsiyada qaxootinimo ee uga imanaya dadka Somalida ah, waxaana ay sidoo kale ugu baaqday wadamada magangaliyada bixiya in sharciyo ku meel gaadh ah ay siiyaan dadka ay u diidaan in ay qaxootinimo u aqoonsadaan ee Soomaaliada ah.

Dadka ay UNHCR sida gaarka ah u xustay in magangaliyada loo fududeeyo waxaa ka mid ah Dadka taageersan DKMG ah , dadka lagu eedeeyo in ay shareecada ka horjeedaan, dadka u ololeeya bulshada rayidka ah, suxufiyiinta iyo dadka laga tirada badanyahay.

XS
SM
MD
LG