Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UNHCR: 230 qof ayaa lagu Dilay Muqdisho


Hay'adda UNHCR waxay war saxaafadeed ka soo saartay magaalada Geneva oo ay kaga hadashay xaaladda dagaalada Soomaaliya.

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa maanta war ka soo saartay khasaarihii ka dhashay dagaalladii u dambeeyay ee magaalada Muqdisho ka socdeen labadii toddobaad ee u dambeeyay.

Hay'addu waxay sheegtay in labadii todobaad ee la soo dhaafay dagaalada Muqdisho lagu dilay inka badan 230 qof, dad gaaraya 400 oo kalena lagu dhaawacay.

Waxaa intaasi sii dheer ayay hay'addu tiri, in 23,000 oo qof ay guryohooda ka barakaceen, tiradaasoo ku biiri doonta inka badan 200,000 oo qof oo horey ay uga barakaceen dagaalada, intii lagu jiray sanadkan.

Afhayeenka UNHCR Melisa Fleming ayaa sheegtay in dadka ku nool goobaha dagaaladu ay si isa soo tareysa u go'doomayaan, taasoo aad ugu adag, khatarna ku ah dadka shacabka inay ka qaxaan Muqdisho.

Waxay sheegtay in inta badan dadka ay u suurtagasho in ay gaaraan waqooyiga Soomaaliya iyo dalalka deriska ah waxay ku gaaran iyagoo cagtooda maalaya amma lugeynaya iyo basas yar yar.

Fleming waxay sheegtay in dadka ka qaxa Muqdisho waxay la kulmaan halis iyo dhibaatooyin badan marka ay ku sii jeedaan gobolka Soomaaliyeed ee Puntland, Ethiopia iyo Kenya.

Waxay sheegtay in intii lagu jiray sanadkan ay dalka Yemen gaareen Soomaali gaareysa 7,300, tiradaasi waa kala bar tiradii sanadkii hore.

Waxay sheegtay in xaaladda in dalka Kenyana ay gaareen qaxooti Soomaaliyeed oo gaaraya 37,000, tiradaasi ayaa wax yar ka hooseysa tii sanadkii la soo dhaafay.

Fleming waxay sheegtay in bishii August oo keliya ay dalka Kenya gaareen 6,500 oo qaxooti Soomaali ah, waana tiradii ugu ballaalrneyd tan iyo bishii June.


XS
SM
MD
LG