Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Uganda oo ciidamo dheeraad ah u diraysa Somalia


Uganda oo ciidamo dheeraad ah u diraysa Somalia
Uganda oo ciidamo dheeraad ah u diraysa Somalia

Wasaarada Difaaca Uganda ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo dheeraad ah oo gaaraya 1750 askari ay u dirayso magaalada Muqdisho

Dowladda Uganda ayaa u direysa caasimada Soomaaliya ciidamo dheeri ah oo tiradoodu gaareyso 1,750 askari, kuwaasi oo ku biiri doona ciidamadooda ka tirsan AMISOM, sida uu sheegay saraakiil sare oo ka tirsan wasaarada Gaashaandhiga ee dalkaasi.

Ciidamadani oo Jimcihii tababar socday muddo bilooyin ah loogu soo xeray xerada meliteriga Singo ee ku taala degmada Nakaseke ayaa waxaa hogaamin doona taliyaha ciidamada lugta ee dalka Uganda Jeneraal Katumba Wamala. Ciidamadan ayaa la soo baray; sida lagu ogaado miinooyinka dhulka lagu aaso, is difaacida, toogashada dhow iyo habka xiriir loola yeesho dadka rayidka ah.

37 macalimiin militeri ah oo kasoo jeeda dalalka Belgian iyo Faransiiska ayaa ciidamadaasi tababarka siinayay. Taliyaha ciidamada lugta ee dalka Uganda Jeneraal Katumba ayaa sheegay in khibradahii ay ciidamadu ku barteen tababarka ay si wanaagsan ugu isticmaali doonaan marka ay tagaan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana xeritaankaan tababarkaasi goob joog ka ahaa safiirka Faransiiska u jooga dalka Uganda Rene Forceville iyo saraakiil sare oo ka socotay Begiam-ka iyo Faransiiska.

Dowladaha Uganda iyo Burundi oo ciidamo ay ka joogaan dalka Soomaaliya ayaa dhowaan balanqaaday in midkiiba uu hal Guuto oo ciidamo dheeri ah u ku biirin doono xooggaga AMISOM ee ka howlgala qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, kadib markii caga-jiid uu ka yimid dalal kale oo Afrikaan ah oo la filayay iney ciidamo ku biiriyaan howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya, si tirada ciidamada halkaasi ka jooga ay u noqdaan illaa sideed kun (8000) oo askari, halka ciidanka AMISOM ee haatan Muqdisho ku sugan ay ku dhow yihiin shan kun (5000) oo askari.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka daawo ciidamada Uganda oo tababar qaadanaya.

XS
SM
MD
LG