Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Uganda: Ololaha Doorashada Madaxtinimada


Uganda: Ololaha Doorashada Madaxtinimada
Uganda: Ololaha Doorashada Madaxtinimada

Qaar ka tirsan Gobollada dalka Uganda ayaa waxaa ka bilaabmay ololaha doorashada madaxweynenimo.

Inta badan gobolada dalka Uganda ayaa waxaa ka bilaabatay ololaha doorashada guud ee madaxtinimo, taasoo ay axsaabtu ku loolamayaan sidii ay codadka ugu badan uga kasban lahaayeen dadweynaha.

Doorashadan oo loo qorsheeyay iney qabsoonto sanadka soo socda waxaa ka dhex muuqanaya Dr. Kizza Bisegya oo labadii doorasho ee ugu dambeysay madaxweyne Musaveni kula soo loolamay kursiga ugu sareeya.

Inkastoo aanu weli Madaxweyne Musaveni si rasmi ah ugu dhawaaqin inuu markii lixaad isku soo taagaayo doorashada Madaxweynenimo, ayaa hadana warar hordhac ah sheegayaan in xisbiga NRM ee talada haya uu golahiisa fulintu toddobaadkii hore isku raacay inuu Musaveni sii ahaanayo hogaamiyaha xisbigaasi, taasoo ka dhigan in xisbigiisu ay isaga u caleemo saarayaan musharaxooda doorashada ee sanadka soo socda, sida ay faafiyeen qaar ka mid ah warbaahinta dalkan.

Axsaabta siyaasadeed ee iska diiwaangeliyay guddiga doorashooyinka Qaranka ee Uganda oo dhowr iyo soddon gaaraya ayaad moodaa intooda mucaaradka ahi iney aad isugu sii dhowaanayaan si ay ugu sii midoobaan iney talada hab dimoqraadi ah kala wareegaan mid ka mid ah madaxwynayaasha ugu waqtiga dheer ee ka jira qaarada Afrika, waxayna shanta xisbi ee ugu waa weyn mucaaradku ay bannaanka la taagan yihiin inuu Dr. Kizza Bisegya noqonayo Musharaxooda Madaxtanimo, inkastoo Hogaamiyaha dalkan Yuweri Musaveni oo xukunka qabtay xilli haatan laga joogo 24 sanno lagu ammaaano inuu Uganda ka dhigay dalka ugu dhaqaalaha fiican Bariga qaarada Afrika.

Mareykanka oo dhaqaale farabadan ku bixiya mashaariicda horumarinta ee ka socda dalkan ayaa toddobaadkii tegay ku dhowaaqday in haweeneyda u qaabilsan arrimaha dibedda Hillary Clinton ay si gaar ah ugu xilsaareen la socoshada ololaha doorashada guud ee dalkan sida uu Khamiistii magaalda Kampala ka sheegay af-hayeen u hadlay safaarada Mareykanka.

Waxaa sidoo kale ergadooda la socon doonta sida ay u dhaceyso doorashadan horey ugu dhawaaqay Midowga Yurub iyo Canada, iyadoo cabsida ugu weyn ee laga qabi karo doorashadani ay tahay iney dhacaan rabshado sidii ka dhacday dalka Kenya ee jaarka la ah amaba aaney noqon kuwo ku dhaca si cadaalad ah,sida ay dhowaan warbixin ku sheegtay hay’ada Human Rights Watch ee fadhigeedu yahay Magaalada New-York.

Balse dowlada Uganda ayaa qabta in cidda mudnaanta la siinayo ay tahay shacabka reer Uganda marka laga hadlayo iney doorashadu u dhacdo si cadaallad ama cadaalad daro ah sida uu sheegay Okello Oryem oo wasiir ka ah dowlada Madaxweyne Musaveni.

XS
SM
MD
LG