Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkey oo Codsi La Xiriira Gulen u Gudbisay Mareykanka


Fethullah Gulen
Fethullah Gulen

Warbaahinta dalka Turkiga ayaa maanta ku warramay in dowladda dalkaas ay codsi rasmi ah u gudbisay dowladda Mareykanka si loo soo xiro wadaad lagu eedeeyey afgambigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay bishii July.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa si soo noqnoqsho leh ugu eedeeyey Fethullah Gulen inuu ka dambeeyey isku dayga afgambi oo 270 qof ay ku dhinteen.

Warbixinada Turkish-ka ayaa sheegay in codsigan oo qoraal ah lagu sheegay in Gulen uu bixiyey amarka afgambiga, islamarkaana uu hagay.

Saraakiisha dlaka Turkiga ayaa muddo waxa ay si aan rasmi ahayn u dalbanayeen in Gulen oo ku sugan gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka lasoo masaafuriyo.

75 jirkaas ayaa halkaas ku nool tan iyo sanaddii 1999-kii.
Fethullah Gulen waa uu beeniyey inuu wax lug ah ku lahaa isku dayga afgambi.

Saraakiisha dowladda Mareykanka ayaa sheegay in haddii ay noqoto in la masaafuriyo Gulen loo baahnaan doono inay ansixiso maxkamad Mareykan ah.

XS
SM
MD
LG